Wallaalaha Gabdho iyo Wiilal

Wallaaluhu waxay ahaan karaan kuwa aad saaxiib u ah waxayna noqon karaan kuwa aad isu neceb. Dareenka ay iska qabaan wuxuu noqon karaa mid si sahala isku bedela iyadoo ku xiran da'da iyo koritaanka ilmaha.

Wallaaluhu waxbay iska sheegaan, way is dhibaan waana ismaagaan. Taasi waa caadi waana mid ka mid ah sida carruurtu k u bartaan isla dhaqanka.

Dabeecada noocaas ahi siyaalla badan ayey u dhacdaa:

  • Mararka qaarkood suurtagal maaha in carruurta loola dhaqmo isla sidii. Waalidka waxaa looga baahan yahay inay wax u qabtaan si ku salaysan ilmaha da'diisa, shakhsiyadiisa, marxalladaha mucayinka ah.
  • Waa wax caadi ah in wallaaluhu u fekeraan una dhaqmaan si kala duwan. Sidaas oo kale waa caadi in carruurtu tala diidaan mararka qaarkood.
  • Wallaaluhu waxaa laga yaabaa mararka qaarkood inay diriraan iyadoo taas macneheedu tahay inay waalidka dareenkiisa hellaan.
  • Carruurtu waxay marmar ka murmaan waxyaalla ay u arkaan in aanay xaq ahayn.

U jawaabida carruurta wallaalaha ah

Ixtiraam oo qiimay ilmah shakhsiyadiisa, baahidiisa iyo xuquuqdiisa. Iska ilaali inaad si xun isu barbardhigto.

Kor u qaad cilaaqaadka wanaagsan adoo samaynaya xeer qoys oo qof walba khuseeya. 

Aqoonso ugana mahadceli mararka carruurtu ay si fiican oo wadajira wax u wada qabanayaan.

U ogolow ilma walbaa inuu raacayo danihiisa gaarka ah.

Filitaanka ah in carruurtu wadajir u wada cayaari karaan waaqici ha ahaado.

Ku lumi waqti ilma walba iyo iyaga oo wada jira.

Sii carruurta nafis ay ku dhamaystaan khilaafkooda, adoo xaqiijinaya in khilaafku noqdo mid la maarayn karo.

Weydii hadday u baahan yihiin inaad ka caawinto in wax la xaliyo. Faragelin ku samee marka khilaafku noqdo mi d aanay carruurtu maarayn karayn. Ha raadin qof aad eedayso. Raadi xal.

Ku dhiiri geli carruurta inay ka fekeraan sida carruurta kale dareemayaan. 

Ka caawin carruurta inay fahmaan in ay tahay in wax walba la wadaago.

Listen
Wallaalaha Gabdho iyo Wiilal
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.