Baqdin iyo welwel

Carruurta badankeed waxay yeeshaan baqdin mar uun noloshooda. Cabsida guud waxaa ka mid ah gudcurka, dhawaaqa aadka u dheer, xayawaanada baaxada weyn, lumida ay lumaan, shaydaanka iyo seexashada meel cidla ah. Mararka qaarkood, carruurta qaarkeed ayaa ka cabsata inay lumiyaan waalidka mid ka mid ah jiro ama cudur dartiis.

Welwelka ayaa isaguna ah wax caadi u ah koritaanka shucuurta carruurta. Carruurta, waxay ku noqon kartaa cabsi siyaada ah iyo welwel. Welwelku wuxuu keeni karaa inuu carruurta soo foodsaaro isbedel aad u weyni. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inay carruurtu cabsadaan markay degaan guri cusub, ay bilaabaan dugsi cusub, ama ay bilaabaan ka qaybgelida xarakaadyo cusub. Welwelku wuxuu ka iman karaa carruurta aan fahamsanayn waxa ku dhici kara iyaga ama kuwa ay jecel yihiin.

Welwelka carruurtu wuxuu muujin karaa dabeecadu badan sida la dagaalanka wallaalo ama saaxiibo, xanaaq badan, hurda ka kicid tira badan, oohin badan, ku dheganaan ama amardiido. Sababta keenta dabeecada carruurta in la fahmaa waa adag tahay in badanaa. Inaad fahamto waxa ku dhacaya ilmahaaga waxay kaa caawimaysaa inaad akhrido calaamadaha baqdinta ay dareemayaan.

Wax ka qabashada ilmahaaga cabsidiisa iyo welwelkiisa

Ha ku qoslin cabsida ama welwelka ilmahaaga. In kastoo laga yaabo in cabsidu u egtahay wax aan dhici karin ama macquul ahayn, ilmahaaga waxay ku tahay wax weyn oo run ah. Isku day in aadan xanaaqin ama jaahwareerin.

Dhegayso ilmahaaga cabsidiisa. Aqoonso una sheeg ilmahaaga inaad isku deyeyso inaad caawinto.

U ogolow carruurta waqti ay kaga bogsadaan cabsida. Waxaa laga yaabaa inay qaadato asbuucyo, biloh ama ka badan.

Kala hadlida carruurtaada cabsida iyo welwelka waxay ka dhigi kartaa inay yaraystaan ama ka bogsadaan cabsida.

Si sharax sahlan, macquulla oo ka caawima ka dejinta cabsdia ilmahaaga.

Kala hadal ilmahaaga waxyaallaha aad ka welwelsan tahay iyo sidaad uga bogsatay.

Ka fogow inaad u sheegto carruurta in aanay jirin wax laga cabsadaa. Farrintaani waxay gudbinaysaa in aadan fahmin waxay dareemayaan.

Ka caawin carruurta inay ka fekeraan wax cabsida ka yarayn kara. Tusaale ahaan, haddii carruurtaada cabsidoodu la xiriirto gudcurka ama habeenimada, kala hadal nalka habeenimo, adigoo u isticmaalaya tooyiska ‘difaacayaal’ kalana heshii yeelashada waqti sariirta la aado.

Carruurtu badanaa ma sharxi karaan welwelka. Waxaa laga yaabaa inay ku adkaato ka hadlida cabsida iyo welwelka. Ka caawin carruurta inay maareeyaan cabsidooda adoo la cayaaraya. Tusaale ahaan, iska dhigida dhakhtar ayaa laga yaabaa inuu ka bogsado cabsida dhakhtarka.

Yaray cabsida adigoo la soconaya waxa carruurtu ka daawanayaan telefishanka. Ka fogow inaad tusto waxyaalla aan haboonayn oo laga yaabo inay ka welwelaan.

U diyaari carruurta xaallado aad ogtahay inay ku abuurayaan cabsi. Kala hadal qofka halkaas joogaya, waxa dhacaya, iyo qofka ilmuhu aadayo haddii ay welwelsan yihiin. Tusaale ahaan, haddii ilmuhu bilaabayo dugsi cusub, joogto u gey dugsiga intaan la gaarin maalinta ugu horraysa, waqti ku lumi meelaha lagu cayaaro maalmaha Axada iyo Sabtida, hel halka ilmaha fasalkiisu ahaanayo, meelaha musquluhu ku yaalliin iyo halka aad kula kulmayso dugsiga ka dib.

Ilmaha cabsidiisu waa yaraataa haddii ay dareemaan inay xaallada si fiican u kantaroolayaan. Ha ku khasbin ilmaha inuu wax ka qabto cabsi uu qabo intaan la gaarin. Ka caawin in aanu macne u yeellin halka cabsidu ka imanayso. Tusaale ahaan haddii ilmahaagu ka cabsi qabo ey aad u weyn, si tartiiba u bar eeyo meel amaana adigoo tusaya sawirada eyga, la cayaaraya ey, ku arkaya ey meelah eyda lagu hayo markuu diyaar yahayna ku dhiiri geli ilmaha inuu la cayaaro ey yar oo farxaana.

Ku amaan oo aqoonso da’daalka ilmaha inuu wax ka qabto cabsida iyo welwelka.

Ka fogow in carruurtu aragto inaad baqsan tahay maadama taasi cabsida sii siyaadin karto. Mararka qaarkood welwelkaagu wuxuu noqon karaa mid aad uga weyn kan ilmahaaga. Ka feker sidii aad u maarayn karto welwelkaaga.

Marka la raadiyo talo mihnadeed

In kastoo cabsida carruurtu tahay wax guud, waalidku waa inay raadiyaan talo mihnadle marka cabsidu waxyeesho horumarka caafimaadka ilmaha. Haddii ilmahaaga cabsidiisa iyo welwelkiisu ay wax yeellayso waxay qaban lahaayeen ayna sii xumaanayso dhowr bilood oo isku xiga halkii ay ka soo fiicnaan lahayd, u tag dhakhtar guud, dhakhtarka carruurta ama talabixiyaha dugsiga.