Ilma walbaa waa ka duwan yahay kan kale

Waalid ahaan, waxaynu si joogta ah u barbardhignaa carruurteena kuwa kale. In kastoo tani noqon karto meesha qabkeena ka yimid, waxay kaloo noqon kartaa isha welwelka in carruurteena wax ka qaldan yihiin ama in aan innigu wax qalad ah samaynayno.

Ilma walbaa waa ka duwan yahay kan kale. Carruurtu waxay u kortaa si ka duwan ilmaha kale, waxay leeyihiin shakhsiyada kala duwan, waxay leeyihiin awood kala duwan waxayna u baahan yihiin kaalmo kala duwan si ay wax uga qabtaan baahidooda.

Carruur walba waxay u kortaa kaskooda iyo dariiqadooda

Carruurtu waxay u koraan una hor maraan si kala duwan. In kastoo habka ay u korayaan ay kala duwan tahay, kuligood waxay maraan dhabo la saadaalin karo markay korayaan. Waa wax caadi ah in carruurtu la kulmaan caqabado iyo nuqsaan heerar badan oo noloshooda ka mid ah marmarka qaarkood. Haddii ilmahaagu wax yar horeeyo ama waxyar dambeeyo muddo cayiman – waa wax caadi ah. Waqtiga intiisa badan, iyadoo ku xiran sida loo nafaqeeyo caqliyan loona dhiirigeliyo, dhamaan carruurtu way sin-maan ugu dambaynta.

Dhamaan carruurtu waxay leeyihiin awood iyo nuglaan kala duwan. Qaar ayaa ku fiican cayaaraha, qaarna muyuusiga. Qaar ayaa aqoon fiican yeesha qaarna ma yeeshaan. Qaar ayaa welwel badan qaarna waa iska xasiloon yihiin. Qaar ayaa hurda badan qaarna sanada badan ayaa hurdadu ka qasan tahay oo kicid badan.

Dareemida inaad ku taagan tahay wadiiqada saxda ah

Waalid badan ayaa dareema cadaadis isa soo taraya ‘si ay sida saxda ah ugu ababiyaan carruutooda’. Qaar kale ayaa dareema cadaadis isa soo taraya xagga si fiican u korinta carruurtooda kuwaas oo markaas laga filayo inay ku guulaystaan dugsiga, xarakaadka madadaalada iyo shaqada. Waalid badan ayaa dareema in ababintu aanay si dabiici ah ugu imaan.

Waalid ayaan lahayn kalsooni inay ogaadaan inay u ababinayaan carruurtooda dariiqo wax ka qabanaysa baahidooda shakhsiyeed. Waalidiin badan ayaa dareema inay habka ababintooda ay wax ka sheegaan kuwa kale. Waaya-aragnimada noocaan ah waxay ka dhigi kartaa waalidka inay dareemaan kelinimo iyo go’doon. Kuwa badan ayaa dareema in waalidka kale aanay haysan dhibta iyaga haysataa.

Waxaas oo dhami waa dareen caadi oo la wada maro.

Keligaa ma tihid

Hawsha ababintu waa mid si joogto ah isu bedelaysa marka baahida korinta iyo awooda carruurteenu is bedesho. Ma jirto arrin ay waalidiintu ‘ka wada siman yihiin’. Arrin hal cunug u shaqaysay ayaan cunug kale u shaqayn karin. Wax ilmaha laba jirka ah u shaqeeya ayaan afar jir u shaqayn.

La qabsiga iyo debecsanaanta ayaa asal u ah ababinta.

Waa caadi inaad lumiso kalsoonida heer ka mid ah waqtiga ababinta. La wadaag waaya-aragnimada waalidiin kale, saaxiibo iyo qoyska. Waxaad arki doontaa in aadan kelidaa ahayn.

Wadaagida waaya-aragnimo guud waxay kuu xaqiijinaysaa inaad ku taagan tahay ‘dhabada saxda ah’ waxaadna wanaajinaysaa kalsoonida.

Aamin inaad ogtahay ilmahaaga in ka badan qof kale oo kasta.

Ugu dambayn, ka fogow u barbardhigida ilmahaaga ilma kale.

Haddii aad dareen ka qabto ilmahaaga ama u baahan tahay kaalmo habka ababintaada raadso kaalmo. Taasi waa calaamad awoodeed, maaha mid daciifnimo.