Ma kuu sheegay dhowaanahan in aan ku jeclahay

Waxyaallaha waalidkeen na yiraahdeen markaan carruurta nahay badanaa ma hilmaano weligeen.
Carruurtu waxay u baahan yihiin inay dareemaan in la jecel yahay laguna aqbalo siday yihiin, mana aha keliya markay wax fiicanm sameeyaan.

Qof walbaa waa gaarkiisa

Ilmaha qofnimadiisa gaar ahaaneed ee ilmanimo waa in la dhiirigeliyaa lana qadariyaa.

Ilma walbaa wuxuu u leeyahay doorkiisa qofeed oo uu kaga qaybgalo qoyska, saaxiibka iyo jaalliyada ama bulshada.

Carruurtu waxay u baahan yihiin inay isu arkaan kuwa wanaagsan

Isku kalsoonida wax ku oolka ahi waa inaad dareento inaad wanaagsan tahay, aadna dareemayso inaad wax tahay.

Isku kalsoonidu waxay ilmaha siisaa kalsooni iyo rajo mustaqbilkooda. Carruurtu waxay u baahan yihiin inay is jeclaadaan, isuna dareemaan inay muhiim yihiin, wax qaban karaan noloshoodana wax u samayn karaan. Carruurta leh isku kalsooni caafimaad qabta waxay dareemaan kalsooni ku saabsan barashada iyo isku deyida waxyaalla cusub.

Dariiqooyinka loogu sheego ilmaha inay muhiim yihiin

Carruurtaada ugu celceli inaad ku jeceshahay siday yihiin U sheeg inaad jeceshahay inaad waqti la lumiso, dhegaysato iyaga, siiso hab aadna u ilka cadayso.

Xusto guulahay gaareen, siday doontaba ha u yaraadeene.

Uga mahadnaqdo inay isku dayeen, natiijadu waxay doonto ha ahaatee.

Hayso waxyaalla khaasa oo muujinaya guulaha ay gaareen.

U ogolow inay kaa caawimaan waxyaallaha qaarkood.

U ogolow inay khalad sameeyaan, waxaasi oo dhami qayb ayey ka yihiin barashada.

Ka caawin siday u dhisi lahaayeen awoodooda Weydii waxay ka qabaan arrimaha qoyska.

Waxay muujinaysaa inaad dananayso waxay u malaynayaan.

Ka caawin inay xaliyaan dhibaatadooda.Tus inaad ku kalsoon tahay.

Samay xuduud waxa la filayana ka dhig waadax aan is bedel lahayn Sii warcelin wixii ku saabsan waxaan haboonayn ama dabeecada aan waxba tarayn, laakiin ha dhaleecayn ilmahaaga.

Warcelintu waa inay ahaataa mid wax baraysa, maaha mid dhaawacaysa.

‘Waa ogohay hooyo waa I jeceshahay sababtoo ah wax kasta oo aan sameeyo waxay u haysataa wax fiican.’

Listen
Ma kuu sheegay dhowaanahan in aan ku jeclahay
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.