Sanadaha Hore

Maxay sanadaha ugu horreeyaa ilmaha noloshiisa muhiim ugu yihiin?

Dhalashada ilaa ilmuhu ka gaaro saddex sano ilmuhu wuxuu u koraa jir ahaan iyo maskax ahaanba si ka dheeraysa heerarka kale ee noloshooda.

Sanadaha hore aad ayey ilmaha muhiim ugu yihiin koritaankiisa maskaxda. Maskaxdu koritaankeeda waxay inteeda badani samaysantaa saddexda sano ee horeeya ee nolosha ilmaha, waxayna dhidibada u aastaa wadada koritaanka jirka iyo maskaxda.

Wax kasta oo aan samayno, dhahno, ka fekero oo dareeno maskaxdeena ayaa qabata macnana u samaysa. Maskaxdeena ayaa noo ogolaata inaan jeclaano, in aan qosolo, in aan ooyno dabadeena fiicnaano, isku buuqno dabadeedna wax fahamno.

Maskaxda koraysa

Ilmuhu markuu dhasho wuxuu leeyahay 100 bilyan oo unugyada dareenka ah, saas oo ay tahayna maskaxdu weli si fiican uma korin. Dhowrka sano oo ugu horreeya unugyadaasi waxay yeeshaan xiriir muhiima iyo wadooyin maskaxda ku yaal kuwaas oo saameeya shucuurta, bulshanimada iyo garashada ilmaha iyo siday u samaysan yihiin.

Maskaxda waxaa saameeya waxa ilmaha kaga imanaya bay'ada sanadaha hore ee noloshiisa.

Maskaxdu waxay isticmaashaa dareemayaasheena (indhaha, dhegaha, sanka, carabka iyo maqaarka) si aan ku ogaano waxa adduunka ka dhacaya. Wax kasta oo aan la kulano waxaa soo gudbiya dareemayaasheena. Dareemayaasheenu waxay u diraan maskaxdeena wargelin taas oo wax ka bedeli karta sida maskaxdeenu u kala shaandhayso waxa jira iyo macluumaadka.

Doorka waalidka ee muhiimka ah oo sanadaha hore

Saynisyahanada ayaa hellay in xiriirka ka dhexeeya waalidka iyo ilmaha sanadaha hore ee noloshiisa ay u saamayso ilmaha maskaxdiisa siyaalla badan.

Isku xirnaanta cusub ee maskaxda oo hadda la hellay waxaa laga yaabaa in aanay xoog badnayn, qaar waxaa laga yaabaa in aan la isticmaalin qaar kalena la iska dhaafo. Marka la siiyo raxmad iyo daryeel sanadaha hore xiriirka maskaxda ee dareenka fiican iyo barashada ayaa xoogsanaya.

Carruurta dhalatay iyo carruurta koran waxay u baahan yihiin taabasha badan iyo ka shaqaysiin si loogu suurtageliyo inay bartaan una koraan sida ugu fiican.

Xiriirka hore ee wax ku oolka ah ee waalidka wuxuu kor u qaadaa in ilmuhu raadiyo inuu wax ogaado, isku kalsoonaado, furfurnaado oo yeesho kalsoonida ilmanimada hore.

Xiriiradaani waxay ka caawimi doonaan ilmaha inay si fiican wax uga qabtaan loolanka kale ee nolosha.

Sanadaha hore ilmahaaga la qaado waqti:

  • Adigoo taabanaya dhabtana ku qabanaya
  • La hadlaya una ilka cadaynaya ilmahaaga
  • Aqoonsanaya kana jawaabaya ilmahaagu wuxuu muujinayo
  • Siinaya ilmahaaga khibrada cusub iyo fursado
  • Xaqiijinaya in ilmahaagu dareemo amni iyo amaan

'Maxay ku dhacday in dadka waaweyni hilmaamaan waxay tahay ilmanimadu? Iyaguba marbay yaraayeene.'

Listen
Maxay sanadaha ugu horreeyaa ilmaha noloshiisa muhiim ugu yihiin?
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.