Waalid noqoshada

Waalid noqoshadu waa shaqada ugu weyn oo aad qaban karto. Weligeedna waa socotaa.

Waxaa la yiri waa safar ay ka buuxaan abaalgudyo la yaab leh mararka qaarkeedna waxay u muuqdaan loolan aan waxba laga qaban karin.

Khuraafaadka waalidnimada

Waa in aan aqaana jawaabaha oo dhan.

Maaha inaad taqaan wax walba. Ma jiro waalid wax walba ka jawaabi kara. Ma jirto in hal hab uu yahay midka waalidka oo dhami ku dhaqmaan. Waalidku waa inay wax ka qabtaan waxa ilma walba u gaarka ah, sida kartidiisa iyo nuglaantiisa. Waa in waxaad filaysaa macquul yahay. Ku kalsoonow waxaad taqaan. Wax badan ka ogow wixii aad kalsooni yar ku qabto.

Waalidnimadu waxay ku timaadaa dabiici.

Waalidnimadu waxay u baahan tahay fahmid, leexleexad la'aan, qiyaasid, karti, aqoon iyo dulqaad. Waalidka oo dhami waxay u baahan yihiin kaalmo. Isaga mahadcelin wixii ay si fiican u qabteen. Aqbalaad inuu jiro waxyaallo laga yaabo inaad si gaara u qaban karto. Naftaada ha ku adkaan. Waalid walbaa qalad ayaau galaa waxayna u noqotaa khibrad uu ka faaiidaysto. Qalad waa kan aad ku celceliso oo aadan ka faaiidaysan. Qadari in waalidnimadu ay leedahay guul iyo guuldaraba aqbalna in taasi caadi tahay.

Korinta carruurtaydu waa shaqadayda.

Taariikh ahaan, qoysaska ballaaran iyo derisku waxay wadagaan masuuliyaadka daryeelida ilmaha. Maanta waalidku, in ka badan intii hore, waxaa loo arkaa inay masuul gaara ka yihiin korinta carruurtooda. Waalidiintu mararka qaarkood waxay isu arkaan in wax laga sheegayo oo ay keli yihiin, laakiin waxaad ogaanaysaa in waalid badani sidaas dareemayaan! Weydiisashada kaalmo waa wax u fiican adiga iyo carruurtaadaba. Kaalmo ama caawimo weydiiso qoyskaaga, waalidkaa, jaalliyada iyo adeegyada kaalmada. Waalidnimadu waa xarakaadka bulshada - dad badan ayaa door fiican ka cayaara nolosha ilmaha. Awoowayaasha iyo ayeeyooyinka, abtiyaasha ama adeerayaasha, eedooyinka ama habaryaraha, saaxiibada, macalimiinta iyo deriska dhamanatood waa ka qayb qaataan nolosha qoyska. Naftaada iyo midda carruurtaadaba ka feker.

Carruurta iyo waalidku si wadajir ah ayey wax u bartaan

Ma jirto aragti ah waalidku si walba waa ku sax. Sidaas oo kale ma jiro ilma dhinac walba ka saxsan. Waxaa jira siyaalla badan oo waalid lagu noqon karo. Waalidka iyo carruurta midba midka kale ayuu wax ka bartaa. Carruur da' walba leh ayaa waalidkood si joogta ah u dhegaysta waxna uga barta. Waxay daawadaan sidaad wax u samaynayso, sidaad u sharaxdo dareenkaaga iyo sida aad dadka kale ugu gudbiso. Waalid ahaan, waxaad si joogta ah u baranaysaa carruurtaada markay isbedelaan oo soo weynaadaanba. Waalinimadaadu waa inay isla bedeshaa isbedelka baahiyeed ee ilmahaaga.

Listen
Waalid noqoshada
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.